SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CEELDHEER: HAWLGAL LAGU SOO QABTAY HORJOOGE ALSHABAAB AH.

(SAWIRKA)-MACAAWIISLEYDA LA DAGAALANTO ALSHABAAB.

(CEELDHEER)-Wararka laga helaayo degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud maamulka Galmudug ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta ka dhacay hawlgal qorsheysan ey fuliyeen xoogaga degaanka ee loo yaqaano Macaawiisleyda,hawlgalkan ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka Alshabaab oo bar koontarool ey u tiilay agagaarka halka laga galo degmada C/dheer. Macaawiisleyda fulisay hawlagalkaan guulaystay ayaa la sheegay iney wateen baabuur nuuca raaxada ah waxa eyna ka yimaadeen dhinaca degaanka Mesagawaay,markii ey Macaawisleydu soo gaareen bartii koontarool ey ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Alshabaab oo ka koobnaay ilaa seddex qofood ayey Macaawisleyda beesha Wacaysle u suurtagashay iney dilaan mid ka mida maleeshiyaadkii Alshabaab waxaane nolol lagu qabtay Horjoogihii watay kooxda oo lagu magacaabo Garoorshe waxaane loo soo gudbiyey caasimadda Galmudug ee Dh/mareeb si hlkaasi loogu maxkamadeeyo.

ISHA.CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.