SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CEELDHEER: DAGAALYAHAN KA TIRSAN ALSHABAAB OO ISA SOO DHIIBAY.

(SAWIRKA)-CAAMIR AXMED WAJAAN OO ISU SOO DHIIBAY CXDS.

(CEELDHEER)-Wararka ka imaanyo degmada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galgaduud maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in nin in mudda ah ka tirsanaay kooxda Alshabaab lana yiraahdo Caamir Axmed Wajaan uu isu soo dhiibay ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Aaga degmada Ceeldheer iyo Mesagawaay sida ey xaqiijiyeen saraakiisha Ururka 85-aad ee Guutada 77-aad ee ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed. Camir Axmed Wajaan ayaa warbaahinta ciidamadda Qalanka Sida u sheegay inuu kooxda Alshabaab kaga biiray degmada Galcad ee deriska la ah degmada Ceeldheer iyo Mesagawaay sannadkii 2016-kii,waxa uuna Caamir sheegay inuu darawal u ahaay nin kooxda Alshabaab ugu magacawnaay gudoomiyaha degmada Galcad kaaso la dhhi jiray BASMO,ninkaan ka soo goostay kooxda Alshabaab ayaa sheegay sababta uu uga soo goostay kooxda Alshabaab ee uu in mudda ah ka tirsanaay,waxa uuna sababta ku sheegay inuu u adkaysan kari waayey weerarada dhinaca cirka ah ey gaystaan diyaaradaha ey iska leeyihiin saaxibadda caalamka ee Soomalaiya ka kaalmeeyo la dagaalanka kooxda Alshabaab.

ISHA/SB-MEDIA.