SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CAYAARTOY SOOMALIYEED OO KU SUGNEED MAROOKO…

(SAWIRKA)-NAADIGA GIFT CLUB EE SOOMAALIYA.

(AL-MARAKISH)-Dalka Marooko waxaa ku dhuftay dhulgariir aad u xoogan sida la soo sheegayna waxa ku geeriyooday dad aad u fara badan,hadaba dalka Marooko ayaa sannadkan-2023-ka waxa martigeliyey Tartanka Horyaalka Naadiyadda Kubadda kolayga Hablaha ee adamadda Carabta,tartanka ayaa ka socday magaaladda uu dhulgariirku ku dhuftay AL-Maraakish ee Koonfur Galbeed dalka Marooko,tartankaan ayaa waxaa dalka Soomaaliya ku metelaayey Naadiga lagu magacaabo GIFT CLUB. Sucaad C/laahi Galow oo ah madaxa ururka Somali Foundation oo hogaaminaysay Naadiga Gift Club ayaa sheegtay in dhulgariirka uu ku dhuftay Hotel-kii ey deganaayeen balse alle uu ka badbaadiyey dhulgariirka,Hotel-ka ey deganaayeen cayaartoyda iyo madaxdooda ayaa si ba’an uu u saameeyey dhulgariirka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.