SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CATRIONA LAING OO GAARTAY CAASIMADDA G/MUDUG.

(SAWIR)-KA. QOORQOOR IYO CALI CIID OO QAABILAY CATRIONA LAING.

(DH/MAREEB)-Wararka ka imanaayo caasimadda Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in halkaasi ey gaartay Haweeneyda uu xilkeedii dhammaaday ee wakiilka Soomaaliya uga ahayd Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Catrion Laing ayaa gaartay xarunta maamulka Galmudug waxa eyna halkaasi kula kulantay masuuliyiinta Galmudug uu ugu horeeyo MW-QoorQoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid. MW-QoorQoor iyo wafdiga la socday Catriona Laing ayaa soo booqday dhismaha Xarunta Qaramadda Midoobe ee magaaladda Dh/mareeb,masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimo ey ka mid yihiin Amniga,dagaalka Alshabaab,arrimaha doorshooyinka iyo guud ahaan arrimha siyaasadda dalka Soomaaliya. Catriona Laing oo Soomaaliya loo soo magacaabay bishii Maayo ee sannadkii hore ayuu xilkeeda shaqo ee Soomaaliya waxa uu ku eg yahay bishaan hadda socoto ee Maayo-2024-ka,sababta keentay in waqti xileedkeeda la soo gaabiyo ayaa lagu sheegay iney la shaqeyn kari weysay DFS kuna xadgudubtay shuruucda dalka Soomaaliya u degsan iyo kuwaa caalamiga ahba.

ISHA/AB.

HALKAN KA AKHRISO.