SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CATRIONA LAING OO DALKA SOOMAALIYA ISAGA BAXDAY WAA GUUL.

(SAWIR)-KA. RW-XAMSA OO SAGOOTIYEY CATRIONA LAING.

(MUQDISHO)-Sida aan qoraaladeynii hore aan uga soo hadalnay Haweeneyda lagu magacaabo Catriona Laing oo ahayd Wakiilka Xogahayaha Guud ee QM ee Soomaaliya balse uu soo dhammaaday waqtigeedii shaqo ee dalka Soomaaliya ayaa maanta waxa kulan sagootin ah u sameeyey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamsa Cabdi Barre. Xogahyaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres ayaa seddexdii bishii shanaad sannadkii-2023-kii ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay Boqortooyadda Ingiriiska loo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee cusub ee dalka Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramadda Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM),Catriona Laing ayaa waxa ey bedeshay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka. Kulanka maanta ka dhacay Xafiiska RW-Xamsa ayaa ujeedkiisu ahaay sagootinta Catriona Laing maadaam ey soo dhammaatay shaqadeedii Diblomasiyadeed ee dalka Soomaaliya. RW-Xamsa oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyey Catriona laing doorkii ey ka soo qaadatay taageeradda dawladnimada Soomaaliya. Catriona Laing ayaa safaro ku bixisay qaar ka mid ah maamuladda dalka ka jira ka hor inta aan maanta la sagootin waxa eyna tagtay magaaladda Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxa eyna halkaas kula soo kulanta MW-C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen,waxa eyna ka wada hadleen arrimo la xiriiro siyaasadda dalka iyo sidii KGS ey uga qeyb qaadan lahayd wanaajinta xiriirka DFS iyo maamulka Puntland oo aan wanaagsaneyn in mudda ah.

ISHA/CAASIMADDA.

KA AKHRI HALKAN.