CALI KHAMAYNIGA IRAAN OO KA HADLAY…
CALI KAHMAYNI.
(TEHRAN)-Dalka Iraan waxaa weli si xoogan uga socdo mudaaharaadyo wato rabshado oo galay todobaadkii seddexaad,mudaaharadyadaan ayaa ka dhashay gabar 22-jir lana yiraahdo Mahsa Amini oo ku dhimatay gudaha xabsi ku yaalo dalkaasi Iraan ka dib markii eey soo xireen ciidamada Anshaxa ee dalkaasi Iraan,hadaba hogaamiyaha ugu sareeyo dalkaasi Iraan Ayatullaahi Cali Khamayni ayaa si cad jawaab uga bixiyey maanta oo Isniin ah Mudaaharaadyada waa weyn ee ka socdo dalka Iraan sannadkaan 2022-ka,mudaaharaadyada ayaa sii xoogaystay tobaadyadii tegay mana uusana ka hadlin hogamiye Cali Khamayni balse maanta ayuu hogaamiye Cali Khamayni ku sheegay in mudaaharaadyada yihiin kuwa wato”RABSHADO” waxa uuna ku eedeeyey ineey ka dambeeyaan dalalka Maraykanka iyo Israa’iil oo ah labada dal uu dalkaasi Iraan u arko ineey cadaw ku yihiin siyaasadiisa guracan ee uu ka wado Bariga dhexe sida dalalka Yaman,Suuriya iyo Libnaan.
ISHA WARKA AP.