SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CAF OO TABABAR QAAHIRA UGA FURTAY…

(SAWIRKA)-GOOBTA TABABARKU KA SOCDO.

(QAHIRO)-Xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika ee CAF ayaa magaaladda Qaahira ee caasimadda dalka Masar isla markaasne xarun u ah CAF ayaa waxaa tababar uga furmay garsoorayaal sare kuwaso loo diyaarinaayo ineey dhexdhexaadiyaan tartanka horyaalka kooxaha Qaaradda Afrika,tababarka ayaa shalay oo Jimca ahayd(14/4/23)-ka ka furmay magaaladda Qaahira waxaane la soo gabagabayn doonaa maalinta Talaadada ah(18/4/23)-ka. Tababarkaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo 70-Garsoore kana kala socdo wadamadda Qaaradda Afrika, 25-waa Garsoorayaal gudaha ah, 30-waa calan haayeyaal, 5-waa kaaliyeyaal garsoore, 5-tababare iyo 2-Farsama yaqaan ee VAR-ta la soconaayo, tababarkaan ayaa si gaar ah waxaa xooga lagu saaraa dhacdooyinka ka dhaca khadka ganaaxa ee 18-aad gudihiisa,offside-ka, maamulka cayaarta, dembiyada loo galo si farsamaysan iyo kubadda gacanta lagu xado.

ISHA WARKA CAF.

HALKAAN KA SII AKHRI.