SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CADALE: DAGAAL BEELEED MAR KALE KA SOO CUSUB…

(SAWIRKA)-ODAYASHII IYO MADAXDII KA QEYBGASHAY SHIRKII KA DHACAY BURKA-DIRIMEED.

(CADALE)-Wararka laga helaayo degmada Cadale ee Gobolka Shabeeladda dhexe ee maamulka H/shabeele ayaa sheegaayo in halkaasi ey xalay ka dhacday musiibo dad aan waxba galabsan oo Quraan ka akhrinaayey meel ey ka jirtay Welimo lagu laayey sida uu Idaacadda Shabelle ee magaaladda Muqdisho maanta u sheegay Suldaan Daahir Axmed Gaabow, weerarka ayaa waxa uu ka dhacay degaan u dhexeeyo Laba-Garas iyo Xaaji Cali kana tirsan degmada Cadale,geerida waa ilaa afar qofood ah inta la xaqiijiyey ilaa hadda dhaawacane waa ilaa 7-qofood. Wararka ayaa sheegaayo in maleeshiyaadka qaaday weerarka ey u aar gudaayeen dad horay looga dilay degaanka,waxaane arrintaan ey uga sii dereysaa xiisadda colaadeed ee ka taagneed degaanadda hoos yimaado degmada Qadiimiga ah ee Cadale. Dagaalka ka jiro degaanadda hoos yimaado degmada Cadale ayaa horay gogol nabadeed waxaa loo dhigay degaanka lagu magacaabo Bur-dirineed halkaaso lagu gaaray heshiis oo uu goobjoog ka ahaay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Xaaladda hadda ka taagan degaanadda degmada Cadale hoos taga ayaa ah mid ka sii daraysa waayo waxa dib u soo cusboonaady dagaalkii u dhexeeyey beelaha walaaha ah ee wada dega degaanadda hoos taga degmada Cadale ee Gobolka Shabeeladda Dhexe.

ISHA-SB-MEDIA.