Soomaaliya,Jabuuti,Liibiya iyo Qadar oo ka …
Afar dal oo carab ah ayaa waxa eey tibaaxeen ineey ka aamuseen qaraar eey gaareen wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka jaamicadda carabta,qaraarka eey gaaree wasiiradda ayey uga soo horjeedeen waxa eey ugu yeereen”FARAGELINTA TURKIGA EE ARRIMAHA DALALKA CARABTA”,afarataan dal ayaa kala ah soomaaliya,Qadar,Jabuuti iyo Liibiya balse afartaan dal ayaa waxa eey ogolaadeen in la sameeyo gudi dabagal eedaynta loo soo jeediyey Turkiga ee ah inuu fargelin ku haayo arrimaha wadamadda carabta halisna ku ku yahay amniga mandiqadda,arrintaan ayaa imaanayso ka dib markii daaqadda laga tuuray codsi eey soo jeedisay dawladda Falastiin codsigaas ayaa ahaay in la acambaareeyo heshiisaka dhexmaray dalka Imaaraatka carabta iyo Yahuuda,waxaane arrinkaan cambaareynta ah si cad uga soo horjeestay dalalka Masar,Sacuudiga,Baxrayn iyo Imaaratka Carabta,dalalkaan ayaa kuwa aad isugu xulufaysto gudaha Jaamicadda Carabta oo waxa inta badan isku dayaan ineey meel marsiiyaan go’aanada ayaga wataan kaliyah halka eey dibadda u tuuraan go’aanada aan iyaga u cuntamin.
Haddii aan u soo noqono sababta keentay in la colaadiyo dalka Turkiga,waa mid inoo wada cad waayo dalka Turkiga waxa uu aad xiriiro fiican ula samaystay qaar ka mida wadamada carabta sida soomaaliya uu u qabtay wax aaneey u qaban carabta waayo waqtigii soomaaliya eey baahneed kaalmadda ayuu is garab taagay waxaane dalka soomaaliya tegay madaxweyne Ordogaan iyo Xaaskiisa waxa eeyna Turkiga ilaa iyo maanta kaalmo la garab taagan yihiin shacabka soomaliyeed,dhinaca dalka Qadar hadaan u leexdo,dalka Turkiga ayuu ahaay dalkii Qadar ka badbaadiyey afgembigii eey soo qorsheeyeen dalalka Masar,Sacuudiga iyo Baxrayn si xukunka looga tuuro Amiir Tamiim,waxa uuna Turkiga ilaa iyo hadda ciidamadiisa ku sugan yihiin dalka Qadar waane isaga kan waabiyey dawladihii dulaank ahaay in kastoo dalka Iiraan isagana eey ciidamo ka joogaan dalka Qadar hadane tiro ahaan waxaa badan ciidamadda Turkiga. Dalka Liibiya waxaa ka socdo dagaal eey daba ka riixayaan dawladihii isku dayey ineey afgembiyaan Qadar waxa eeyna hub iyo lacag isugu dareen askeriga hawlgabka ah ee Gen.Xaftar waxa eeyna gaareen ineey u soo kireeyaan calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ka barbar dagaalamad Gen.Xaftar mana eeysan gaarin wax guul ah oo la taaban karo ilaa iyo hadda oo aan ka ahayn in dad shacab ah ku laayeen magaaladda caasimadda ah ee Tariiboli. Dalka Turkiga ayaa taageero xukuumadda Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay waxa uuna siiyaa taageero dhinac walba ah waane taas tan u cuntami la’a dawladaha carabta eey hogaamiso Imaaraatka,danta guud ee dalka Liibiya laga leeyahay ayaa ah in gurto khayraatka dalkaas gaar ahaan batroolkiisa oo ah mid aad u badan lana wada hurgurinaynaayo,dawladaha Ruushka iyo Faransiiska iyagana kama maqna meesha oo waxa eey ku leeyihiin door muuqda dagaalka Liibiya ayadoo cunaqabateeyn dhinaca hubka ah uu saaran yahay dalka hadane hubka ayaa ah mid si fudud loo geeyo dalkaas Liibiya.Shirka wasiiradda Jaamicadda carabta ayaa ahaay mid u dhacay Video-conference.