BURCAD BADEED SOOMAALI AH OO DALBADAY…
(SAWIRKA)-MARKABKA MV/ABDULLAH.
(PUNTLAND)-Wararka laga helaayo maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Markabka MV/Abdullah oo laba maalin ka hor ey koox Burcad badeed Soomaali ah ey ka afduubeen Xeebaha maamulka Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug. Warar hadda la helay ayaa sheegaayo in kooxda Markabka Afduubtay ey dalbadeen lacag Madax Furasha ah oo dhan shan Milyan oo doolar waxa eyna ka rabaan shirkadda iska leh Markabka ee loo yaqaano KSRM GROUP, Markabka ayaa waxaa saaraan shaqaale u dhashay dalka Bangaala deesh tiradooduna ey dhan tahay ilaa 23-qofood,sida la sheegayne kooxda wax afduubtay ayaa ku hanjabtay iney dili doonaan dhammaan shaqaalaha saaran markabka haddii aan loo meel marin codsigooda. Markabka oo ka soo ambabaxay magaaladda Maputo ee dalka Musambik ayaa sida dhuxul lagu qiyaasay iney dhan tahay ilaa 50-kun oo tan kuna socoto dalka Imaaraatka Carabta.
ISHA/CAASIMADA.