BOSAASO: KOOXDA DAACISH OO U AWOOD SHEEGATAY AL-SHABAAB.
(SAWIRKA)-KOOXDA DAACISH.
(BOSASO)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Bari ee Boosaaso ayaa sheegaayo in kooxaha Daacish iyo AL-shabaab ey isku fara saareen Buuraleyda Gobolka Bari,dagaalkan ayey kooxda Daacish sheegtay inuu dhacay dhammaadkii bishii Ramadaan iyo horaantii bishan Shawaal ee hadda socoto,kooxda Daacish ayaa sheegtay iney weerar culus ku qaadeen goobo ey ku sugnaayeen kooxda AL-shabaab halkaasne ey kaga dileen ilaa 50-dagaalyahan oo AL-shabaab ah. Qoraal lagu baahiyey Majaladda AL-NABA’A ee ka faalaoota arrimaha la xiriiro hawlgaladda Daacish EE CAALAMKA ayaa lagu xusay in kooxda AL-shabaab la gaarsiiyey Jab aad u xoogan,waxa eyna Majaladda xusay in kooxda Daacish ey dhul balaaran kala wareegtay kooxda AL-shabaab,dagalkan ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Cal-Miskaad ee Gobolka Bari ee maamulka Puntland. Dhinaca kale, ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda AL-shabaab kuna saabsan sheegashadda kooxda Daacish.
ISHA/SB-MEDIA.