SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BOOLSKA SOOMAALIYEED OO U DABAAL DEGAY…

(SAWIRKA)-MW-XASA,ASAD IYO MACALLIN MAHDI.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalay Xuska Sannad-Guuradda 81-aad ee ka soo wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Hambalyo u diray Saraakiisha Sare,Saraakiil Xigeenadda,Kormeerayaasha,Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa dul istaagay dadaaladda DFS ee dib u dhiska iyo Horumarinta Laamha Amaanka,dib u Xureynta iyo Dimuqaraadiyadda dalka,isagoo faray iney u diyaargaroobaan gudashada waajibaadkooda ku aadan hirhelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaaya. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku amaanan shaqooyinka Muhiimka ah ey dalka u hayaan,waxaa hortaala masuuliyadda cusub oo ku aadan sugidda Amniga Goobaha Doorashooyinka. Ma jirto wado aan ahayn Doorasho toos ah oo inoo furan waana in qof walba oo Soomaali ah u diyaargaroobaa”,ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekha Maxamud. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamadda iney si waafaqsan shuruucda dalka u gutaan waajibaadkooda isagoo tilmaamay in hubka iyo agabka ey wataan uusan wax ka bedeli karin haddii aan la helin Saraakiil iyo Askar wadaniyiin ah oo ey ka go’an tahay daacad ugu adeegid dadkooda iyo dalkooda. Munaasabadda loogu dabaal degaayey sannad-guuradda 81-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ka tirsan XFS,Xildhibaano,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G.Asad Cismaan C/laahi. Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Kaniif, Taliyeyaashii hore,Danjireyaal iyo Marto sharaf kale.

ISHA-VILLA SOMALIA.