SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BOOLISKA XAMAR OO SOO XIRAY ODAYGII U GEFAY..

(SAWIRKA)-ODAYGII U GEFAY MW-XASAN.

(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxa uu leeyahay Cadaw aad u fara badan kana kooban Soomaali iyo Ajaanib,cadawga Soomaaliya ayaa ah mid watigaan la joogo ey badan yihiin wejiyadiisa balse kan ugu xukun ayaa ah kan jooga gudaha dalka hadane fuliya danaha Ajaanibta shisheeye,ma ah mid lala yaabo oo waa arrin soo socotay tan sannadkii labada kun ee uu soo dhammaaday shirkii Carte ee dalka Jabuuti. Maja xaabinta dawlad kasta ey yeelato Soomaaliya waxaa u sabab ah Siyaasiyiin gacan saarka la leh shisheeyaha kuwaaso adeegsado shacabka gudaha joogo ee masaakiinta ah lana daalaa dhacaayo nolosha caruurtood sidii ey maareyn lahaayeen. Hadaba Waxaa magaaladda Muqdisho Xabsiga loo taxaabay nin Oday ah oo watay Maykaroofan kaaso Suuqa dhexdiisa ka dhahaayey Erayo Gef ku ah Sumcadda iyo Sharafka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,ninkaan Odayga ah ayaa watay Bac wax uuna ku qeylinaayey Lacag ayaan u Ururinaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya MD.Xasan Sheekh Maxamuud, hadaladiisa waxaa kaloo ka mid ahaay Madaxweyne Xasan Sheekh waa Xaraashtay dhammaan dhulkii waxaane hadda ka fakan la’a Qubuurihii,Badii waa uu gatay, Ceelashii waa uu Gatay, waa uu gatay Kawaankii Bakaaraha, haddii uu intaas sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa weli ka hari la’a baahidii, waxaan la ii soo xil saaray inaan Madaxweyne Xasan Sheekh aan u Ururiyo Sadaqo. Sida muuqato ninkaan Odayga ah oo si aad ah u qabsaday Baraha Bulshada ey Soomalidu ku sheekeysato ayaa u muuqdo mid arrinkiisu ey ka dambeyso Siyaasad ey soo maleegeen taageerayasha Xukuumaddii uu hogaaminaayey MW-Farmaajo kuwaaso dhawaanahaan caasimadda Muqdisho ka weday iska horkeen DFS iyo shacabka gaar ahaan Dhallinyaradda oo hadda aad u kacsan ka dib Qarixii ka dhacay Xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay eyna ku geeriyodeen dad gaaraayo ilaa 40-Qof eyna ku dhaawcmeen ilaa 245-Qof kale,waxaane arrintaan dadkii ka hadlay ka mid ah Cali Yare Cali oo horay u soo noqday Gudoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Waqtigii farmajo Madaxweynaha ka ahaay dalka,waxa uuna ku sheegay odayga la xiray inuu ahaay mid dhimirka la’a eysan ahayn in Xabsiga loo taxaabo.

ISHA/SB-MEDIA.