SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BOOLISKA G/BANADIR OO SOO XIRAY…

(SAWIR)-KA.YAAD KA TAQAAN WEJIYADDA LA XIRAY.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ka soo muuqanaayey dhallinyaro u badan kuwa caanka ka ah Aaladda TIKTOK-ga,dhallinyaradaan ayaa u kala baxay kooxo ku saleysan qaab Qabiil iskana soo horjeedo,waxaa ka dhex Qarxay dagaal Qabyaaladeysan oo aad u fool xun kaaso markii dambe sababay in Bookiska Gobolka Banaadir inuu soo qabto dhammaan dhallinyarada ku lugta leh waxyaabaha Anshaxa Xun iyo Kicinta Bulshadda,dhallinyarada la soo xiray ayaa gaareyso ilaa 21-Qof. Maalmo ka hor ayaa waxaa wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu magacaabay seddex Degmo oo cusub kuna soo biiraayo maamulka Gobolka Banaadir,Degmooyinkaas cusub ayaa kala ah”Gubadleey,Garasbaaley iyo Daaru-salaam”. Maalin ka dib markii lagu dhawaaqay Degmooyinkaas ayaa waxaa dhacday in dhallinyaro qaab Qabiil u abaabulan iney Degmada Cusub ee Daaru-salaam ka sameeyaan banaanbax wato rabshado,isla markaasne burburiyaan Aargadii Degmada Daaru-salaam,dhallinyaradaan oo ka soo muuqday baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook-ga ayaa ku qeylinaayey magaca degmada cusub waa in laga dhigaa RATI WEYNE. Boolsika G/Banaadir oo gudanaayo waajbaadkiisa shaqo ayaa waxa uu soo wada qabtay dhammaan dhallinyaradii TIKTOK iyo kuwii burburiyey Aargada Daaru-salaam waxaane la isugu geeyey Xabsig Hayadda Dembi baarista(CID) ee Muqdisho si loo ogaado cidda soo abaabushay dhallinyaradaan cidda ey tahay iyo iney ka Dambeyso kooxda Alshabaab oo hadda wadnaha farta ku hayso kana cabsaneyso in dalka laga tirtiro balse la arki doonee wixii ka soo baxa baaritaanka. Boolsika G/Banaadir hawlgal uu sameeyey maanta oo Jimca ah ayuu ku soo qabtay goor dhaweed Cadaawe Cabdi Cali(Cadaawe Jiib),ninkaan ayaa dhawaan waxa uu ka hanjabay Warbaahinta maxaliga ah ee magaaladda Muqdisho. Cadaawe waxa uu ka tirsan Ciidamadda DFS waxaane soo xiray ciidanka Booliska G/banaadir gaar ahaan saldhuga Booliska Degmada Dayniile ee G/banaadir,Cadaawe ayaa ku eedeysan sida booliski sheegay Is-hortaag Amar Maxkamadeed iyo ku Lug lahaansho kicin bulsho,waa hawl wanaagsan ey qabteen ciidanka Booliska G/banaadir taaso muujineysa in shacabka G/banaadir helaan amni sugan iyo degnaansho waarto mar haddii kooxdii arxanka darneed ee Alshabaab looga adkaaday gudaha caasimadda Muqdisho.

ISHA/SB-MEDOA