SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BOOLISK JARMALKA OO SAMEEYEY HAWLGAL KEDIS AH.

(BERLIN):Booliska dalka Jarmalka ayaa qaaday hawlgal kedis ah maalintii shalay oo ahayd Arbaco(6/10/2021)-ka,hawlgalkaan ayaa waxa uu ka dhacay labaatan iyo shan magaaalo oo ku yaalo dalka Jarmalka waxaane lagu bartilmaameedsaday koox isku xiran oo lacag fara badan oo gaareyso $162-milyan dalka dibadda uga saaray si aan sharci ahayn,waxaane halgalkaan ka qeyb qaatay ciidamo boolis ah oo gaaraayo kun askeri,sida la sheegayne hawlgalku waxa uu ka dhacay Borth Rine,Westphalia,Lower Saxony iyo Bremen.

Hawlgalka eey sameeyeen ciidamadda booliska ee dalka Jarmalka ayaa waxaa lagu soo qabtay dad gaaraayo toban iyo kow qofood waxaane ka mid dad la soo qabtay nin 39-jir ah una dhashay dalka Suuriya kaasoo ku eedeysan inuu ka tirsanaay kooxda xagjirka ah loo yaqaan Al-Nusra kana mida kooxaha ka dagaalama dalkaas Suuriya.XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.