BJFS OO ANSIXIYEY MIISAANIYADDII SANNADKII 2023.
(SAWIRKA)-KULANKA LABADA AQAL EE BJFS.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) oo ey wehliyaan Gudoomiye ku Xigeenadda labada Aqal ee BJFS kalana ah C/laahi Abshiraw iyo Timacadde ey si wadajir ah maanta oo Sabti ah ey u shir gudoomiyeen kulankii 11-aad ee wadajirka ah ee labada Aqal ee BJFS. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaay akhrinta seddexaad iyo u codeynta Warbixinta Xisaab-xirka Sannad Maaliyadeedka 2023-ka iyo Warbixinta akhrinta labaad ee xeerka qoondada Miisaaniyadda sannadka-2025-ka. Ugu horeyntii Gudoonka Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka 11-aad ayaa Mudanayaasha labada Aqal ka hor akhriyey Warbixinta akhrinta seddexaad ee Xisaab-Xirka sannad Maaliyadeedka 2023-ka,iyadoo intaas ka dib cod gacan taag ah lagu ansixiyey Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2023-ka,waxaane ogolaatay 167-Mudane,Seddex Xildhibaan waa ey diideen mana jirin cid ka aamustay. Intaas ka dib Senitarada iyo Xildhibaanadda ayaa gudagalay dooda akhrinta labaad ee xeerka qoondada Miisaaniyadda sannadka 2025-ka,iyagoo soo jeediyey aragti iyo doodo kale oo maangal ahaa kuwaaso ku aadanaa arrimaha Miisaaniyadda 2025-ka,sida wax loo qoondeeyey,meelaha u baahan isbedelka iyo kordhinta Mushaarka Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya.
ISHA-BJFS.