SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BERRI OO LA DHAMMAYSTIRI DOON SODONKA RAMADAAN.

(SAWIRKA)-BISHA.

(LONDON)-Toban iyo laba wadan oo Carab ah ayaa ku dhawaaqay in maalinta berri oo Talaada ah la dhammaystiraayo bisha barakaysan ee Ramadaan,ka dib markii ey suurgeli weyday in la arko bisha Shawaal(Soon-Fur) oo ahayd fiidnimada Isniinta,sidaas darteed maalinta Arbacada ah kuna beegan 10/4/24-ka waxa ey noqon doontaa maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga(Soon Fur). Arrintaan ayaa timid ka dib markii ey ku dhawaaqeen dalalka Sacuudig,Imaaraatka,Qadar,Kuweyt,Baxrayn,Sudan,Masar,Falastiin,Lubnaan,Tunisiya iyo Aljeeriya ey si rasmi ah u sheegeen inaan la arag bishii Soon Fur. Sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Qadar ee QNA gudiga la socdka bisha Shawaal ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dawladda Qadar ayaa ku dhawaaqay in berri oo Talaada ah taariikhduna tahay 9/4/24-ka la dhammaystiri doono bisha barakaysan ee Ramadaan,maalinta Arbacada ahne ey tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga. Maxkamadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ey go’aamisay in maalinta Arbacada ah ey tahay maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga isla markaasne maalinta berri ah la dhammaystiraayo sodonka bisha Ramadaan,sidoo Wakaaladda Wararka ee rasmiga ah ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay ineysan berri ahayn Ciidul Fidri Arbacadana tahay ciida. Dalalka Lubnaan iyo Yeman ayaa iyagana dhinacooda sidaas uga dhawaaqay in Arbacadda tahay Ciidul Fidriga berrine ey tahay Ramadaan lana dhammaystiraayo sodonka bisha Barakaysan ee Ramadaan.

ISHA/ARAB.