SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BENZEMA OO XABSI IYO GANAAX LA ISUGU DERAY.

(FARANSA):Cayaaryahanka uga cayaaro weerarka xulka qaranka kubadda cagta ee dalka Faransiiska iyo kooxda kubadda cagta ee Riyal Maadriid BENZEMA ayaa maxkamad waxa eey ku xukuntay xabsi dhan hal sano iyo in cayaarta laga joojiyo mudadaas sannadka ah,waxaane Benzema lagu ganaaxay lacag dhan sideetan iyo afar kun($84,000) oo doolarka Maraykanka ah maanta oo ah Arbaco ah(24/11/2021)-ka ka dib markii lagu helay cajalad been abuur ah uu ka faafiyey cayaartooy kale eey ka wada tirsan yihiin xulka kubadda cagta ee dalka Faransiiska lana yiraahdo Mathieu Valbuena.Go’aanka maxkamada Versailles ayaa si uusan jeclaysan u taabtay mustaqbalka cayaaryahan Benzema,Bemzema ayaa sheegay inuu go’aanka maxkamadda gaartay ka qaadan doon racfaan iyo inuusan sameeyn wax khalad ah,cayaartoygaan ayaan tegin maxlamadda Versailles markii la qaadayey dacwadiisa bishii hore iyo markeey gaareysay go’aankaba,waxa ayagana jiro afar cayaartooy oo kale oo ayagan ku eedeysan arrintaan loo haysto Benzema waane lagu helay dembigii lagu soo eedeyey.ISHA NEW YORK POST.

HALKAAN KA SII AKHRI.