SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BEESHA CAALAMKA OO SOO FARAGELISAY KHILAAFKA DFS…

(SAWIRKA)-BEESHA CAALAMKA.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagneed xiisad u dhexeysay Maamulka Jubaland uu Hogaamiyo Axmed iyo Dawaladda Federaalka Soomaaliya kuna saabsan Doorashada dalka ka dheceyso nuuca ey tahay, Dawaladda Federaalka ayaa rabta in dalka Soomaaliya ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod halka Maamuka Jubaland uu doonayo inuu qabsado Doorasho Dadban,hadaba arrinkaas ayaa waxaa dhexdhexaadin ka waday wafdi ka socday Dawladda Kenya uu Hogaaminaayey Taliyaha Sirdoonka Md.Nuura-diin Xaaji, wafdigaan ayaa la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Hogaamiyaha Jubaland Md.Axmed Madoobe,waxa eyna dib ugu laabteen dalkoodii hooyo ee Kenya iyagoo aan bixin wax tafaasiil ah kuna saabsan kulanadii ey la kala yeesheen labada dhinac ey la kulmeen. Hadaba maanta oo Arbaca ah kuna beegan 20/11/24-ka ayaa waxaa War-Saxaafadeed ku saabsan khilaaf u dhexeeyo DFS iyo Maamulka Jubaland soo saaray Beesha Caalamka ee fadhigeedu yahay Xarunta Xalane,waxa uuna War-Sxaafadeedkoda u qornaay sidaan:{ Saaxibada Caalamka waxa ey ka walaacsan yihiin sii kororka khilaafka u dhexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawald Goboleedka Jubaland ka dib shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan soo dhaamaaday. Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha iney ka qeybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hanaanka Doorashada. Dawlad Goboleedka Jubaland waxaa loogu baaqayaa iney dib ugu soo laabato Golaha Wadatashiga Qaranka(NCC) si ey uga wada hadlaan dhammaan arrimaha taagan ilsa markaasne ey dib ula soo laabato DFS. Waxaan dhiirigelineynaa dhammaan dhinacyada iney ka waantoobaan daandaansiga oo ey dib u galaan wada hadal furan,ka hor inta aan la dhammaystirin hanaanka Doorashada. Saaxibada Caalamku waxay Soomaaliya ka taageeraan Horumarinta Ajendayaasheeda dawlad dhisida oo ey ku jiraan hamiga ah in si tartiib-tartiib ah loogu gudbo Doorasho hal Qof iyo hal Cod ah iyadoo loo maraayo nidaam codbixineed oo loo dhan yahay iyo ka qeyqaadasho sii kordheysa. Tan waxaa ka mid ah in la helo taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed iyadoo la horumarinaayo hananaka Doorashada,iyo waqti macquul ah oo lagu dhammaystiri karo,kaaso loo dhan yahay,si weyne loo aqabalay,la gaari karo,oo damaanad qaadaya Amniga iyo Xasiloonida Qaranka}.

ISHA-UNTMIS.