BAYAAN EY SOO SAAREEN AFAR MAAMUL GOBOLEED.
(SAWIRKA)-DAWLAD GOBOLEEDYADA IYO DFS.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Dawlad Goboleedyada dalka ey ku shireen caasimadda Muqdisho waxa eyna soo saareen Bayaan ka kooban toban Qodob ka dib markii ey yeesheen kulan qaatay laba maalmood(3 ilaa 4/12/23)-ka. Marka laga reebo Maamulka Puntland oo mucaaradsan DFS tan iyo maalintii la magacaabay RW-Xamsa Cabdi Barre afarta afhayeen ee afarta Baarlamaan ee Dawlad Goboleed ee kale ayaa ku wada saxiixan Bayaanka lala wadaagay Warbaahinta Muqdisho maanta oo Isniin ah. Sida ey sheegeen Gudoomiyeyaasha afarta Baarlamaan waxa aan laga talo gelin wax ka bedelka Dastuulka Dalka kaaso hadda horyaalo Golaha Shacabka JFS waxaane Goolaha laga sugaa ineey ka doodaan ka dibne go’aano wax ku ool ah ka gaaraan si dalka Dastuurkiisa uu uga baxo Ku meel gaarka(KMG).
ISHA/CAASIMADA.