SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAS TAHRIIB WEDAY OO KU DHACAY BAABUUR BOOLIS.

BOOLISKA XUDUUDYADA.

(BERLIN)-Bas siday 29-qofood oo muhaajiriin ah una wada dhashay dalka Suuriya ayaa waxa uu ku dhacay baabuur ey iska leeyihiin ciidamadda booliska waqti uu sarkaalka watay baabuurka booliska isku dayey inuu istaajiyo baska ku dhacay meel u dhaw xuduuda u dhexeeyso dalalka Jarmalka iyo Poland mana ey jirto cid wax ku noqotay shilkaas dhacay sida laga soo xigtay booliska. Sarkaalka booliska ah ee aan shaqada ku jirin ayaa sheegay in Baska kolba dhinac wadada u aadaayey waane taas ayuu yiri sarkaalku tan keentay shilka ka dhacay meel u dhaw Goerlitz gabal dhicii Talaadadii shalay ahayd,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay booliska Federaalka Jarmalka. Baska galay shilka ayaa watay taargada dalka Hangari ah waxaane furnay qeyb ka mida albaabkiisa gadaale,sarkaalka booliska ahne waxa uu ka shakiyey in Baska gudihiisa ey ku jiraan dad,Baska ayaa waxaa saarnay markii uu istaajiyey booliska 13-Raga, 6-Dumara iyo 10-Caruur ah kuwaaso dhammaantood ka yimid amaba u dhashay dalka Suuriya.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.