SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BANGAALADESH: RW-SHEKHA XASINA OO IS CASISHAY..

(SAWIRKA)-SHEEKHA XASINA.

(DHAKA)-Wararka ka imaanayo caasimadda Dhaka ee dalka Bangaaladesh ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraddii dalkaasi ey isaga carartay Xarunteedii ka dib markii dibad baxayaal ey ku galeen xoog. RW-Sheekha Xasina oo 76-jir ah ayaa dalka Bangaladesh soo xukumaysay tan iyo sannadkii 2009-kii,waxayna ku guuleysatay markii afaraad Doorashadii dhacday bishii Janaayo-2024-ka taaso aanuu goobjoog ka ahayn shaqsi kale oo iyada la tartamay. Taliyaha Ciidamadda dalka Bangaaladesh Waqruzaman ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqay inuu doonaayo inuu soo dhiso dawlad ku meel gaar ah ka dib markii Reysal Wasaarad Sheekha Xasina ey gudbisay is casilaadeeda oo ey uga tagtay caasimadda cadaadis kaga yimid dibadbaxyo waa weyn. Taliyaha Ciidamadda dalka Bangaladesh waqruzaman ayaa yiri”Waxaan soo dhisi doonaa dawlad ku meel gaar ah”,hadalkaan ayaa laga sii daayey Telefishanka ey iska leedahay dawladda Bangaladesh,isagoo xaqiijiyey iscasilaada Sheekha Xasina oo ilo ku dhaw ey sheegeen iney magaaladda Dhaka kaga tagtay diyaarad Helikobtar ah. Horaantii maanta,kumanaan dibadbaxayaal ah una dhashay dalka Bangaladesh ayaa xoog ku galay xarunta Reysala Wasaare Sheekha Xasina ee magaaladda Dhaka ka dib markii ey isaga baxday xarunteeda,waxaane Dhaka ka socday dibadbaxyo waa weyn oo Sheekha Xasina looga dalbanaayey iney iscasisho. Baahinta laga sii daayey kanaalka Bangaaladesh 24 ayaa muujiyey muuqaalo dad badan oo xoog ku gelaayo guriga rasmiga ah ee RW-Sheekha Xasina iyagoo si farxad leh u lulaayo kaamerooyinka. Ilo wareedyo ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France Press in Sheekha Xasina iyo walaasheed ey ka bexeen guriga rasmiga ah ee Reysal Wasaaraha kuna yaalo caasimadda Dhaka eyna gaareen meel Amaan ah,France-Press ayaa raacisay in RW-Sheekha Xasina ey dooneysay iney duubto khudbad ku wajahan shacabka dalkeed balse ma eysan helin fursad ey ku sameeyso arrinkaas. Dhawr ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in Sheekha Xasina ey iska casishay jagada Reysal Wasaaraha Bangaladesh ka hor inta eysan ka baxsan Qasrigeeda. Sheekha Xasina ayaa ah haweey jirta 76-sano,waxa eyna dalka Bangaladesh soo xukumeysay tan iyo sannadkii 2009-kii oo hadda laga joogo15-sano,waxa eyna mar afaraad ku guuleysatay doorashdii dhacday bishii Janaayo-2024-ka taaso aan lagula tartamin. Dibadbaxyada ayaa soo bilawday horaantii bishii hore ee Luuliyo taaso ugu wacan tahay dib u dhaqangelinta nidaamka Kootada ee shaqo siinta taaso Maxkamada sare ey hoos u dhigtay.

ISHA/WAKALADO.