BANAANBAXYO CULUS OO KENYA DIB UGA BILAWDAY MAANTA.
(SAWIRKA)-BANAANBAXYO DIB UGA CURTAY KENYA.
(NAIROBI)-Dhawr Safaaradood oo Ajnabi ah kuna yaalo dalka Kenya ayaa soo saaray talooyin ku aadan badqabka Mawaadiniintooda iyadoo dibad baxyadu dib uga curteen magaaladda caasimadda ah ee Nairobi ee dalka Kenya iyo guud ahaan dalka Kenya maanta oo Talaada ah. Wadamadda Maraykanka Ruushka,Yukreyn iyo Poland ayaa barahooda Bulshada ku sheegay iney kula talinayaan Mawaadiniintooda iney ka fogaadaan meelaha dadku ku badan yahay gaar ahaan magaalooyinka hadda loo arko meelaha ey ka socdaan dibadbaxyadu. Safaaadda Maraykanka ee magaaladda Nairobi ayaa ku dhawaaqday in la joojiyo jadwalka caadiga ahaa ee shaqada Talaadada maanta ah lana xiro xafiisyadeeda. Safaaradda Maraykanka ayaa muujisay sida ey uga xun tahay joojinta jadwalkeeda caadiga ah sababo la xiriiro mudaaharaadyadda la filaayo iney ka sii socdaan todobaadkan gudihiisa dhawr Gobol oo ka tirsan dalka Kenya. “Xitaa Mudaaharaadyadda u muuqda kuwa nabadeed waxay isu bedeli karaan rabshado waqti kasta. Hayadaha fulinta sharciga waxay adeegsadeen Qoryaha biyaha,Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo xaaladaha qaarkood rasaas nool si ey uga jawaabaan Mudaaharaadyadda” ayaa lagu yiri bayaan shalay ka soo baxay Maraykanka.
ISHA/DN