SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAKOOL: DAGAAL CULUS OO KA DHACAY BOOCO.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ITOOBIYA KANA TIRSAN ATMIS.

(BAKOOL)-Wararka ka imaanayo Gobolka Bakool ee galbeedka dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus,dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Booco kana tirsan degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS),sida ey sheegeen goobjoogayaal dagaalka ayaa qarxay(9:00)-subaxnimo waqtiga Soomaaliya waxa uuna u dhexeeyey ciidamada Itoobiya ee ka tirsan hawlgalka Atmis iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,dagaalka oo ahaay mid jid gal ah ayaa lala beegsaday laba kolonyo oo ciidamadda Itoobiya ah kana kala yimid degmooyinka Yeed iyo Ceel Berde kuna socday degmooyinka Waajid iyo Xudur oo dhammaantood ka wada tirsan Gobolka Bakool. Sida laga soo xigtay dadka degaanka dagaalka ayaa qaatay muddo saacada ah welina lama helin wax faahfaahin oo ku saabsan khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay balse dadka degaanka ayaa sheegay iney maqlayeen qaraxyo iyo jug aad u culus aroornimadii saakay oo Axad ah(17/9/23)-ka.

ISHA/SB-MEDIA.