SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAAY: MADAXII MAALIYADDA ALSHABAAB OO LA DILAY.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASH ALSHABAAB.

(BAYDHABO)-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin waxa ey ka bixisay hawlgal ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Baay ee KGS, war ka soo baxay Wasaaradda G/dhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkii maanta ka dhacay G/Baay lagu khaarijiyey Madaxii maaliyadda ee kooxda Alshabaab ee G/baay iyo saraakiil kale. Ninkaan la khaarijiyey ayaa lacagaha baada ah waxa uu uga ururin jiray kooxda Alshabaab degaanada Cadegaw,Gargaar,Warta Doolar,Weley Bagaal” iyo tuulada Ay-duraay. Maamulka KGS ayuu weli ka bilaaban dagaalka lagu ciribtiraay kooxda Alshabaab kana socdo H/shabeele iyo Galmudug.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.