SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAARLAMAK YURUB OO BOOQDAY…

(GIRIIGA):Gudaha xabsiga eey ku jiraan maxaabiista ku xiran dalka Giriiga kuna yaalo jasiradda Chio ayaa seddex rag ah oo dhallinyara ah kana kala yimid Afgaanistaan iyo Soomaaliya lagu kala xukumay xabsiyo dhaadheer halka kan seddexaad lagu gediyey laguna xukumay xabsi dhan boqol iyo afartan iyo labo(142)-sano,laakinse seddexdaan qofood ee lagu kala xukumay xabsiyadda dhaadheer ma aysan gelin wax dembi ah,kaliyah waxa loo haysto ayaa ah maxaad u wadeen doonta aad saarneydeen.Hanad Cabdi Maxamed oo sideed iyo labaatan(28)-jir ah kana mid ah seddexda qofood ee lagu xukumay xabsiga dheer ayaa yiri”Uma malayneynin ineey dembi tahay in dad la badbaadiyo”,waxaa Hanad lagu xukumay boqol iyo afartan iyo laba(142)-sano bishii Desembar ee sannadkii hore(2020)-ka,Hanad ayaa u sheegay saxafiyiin iyo xildhibaano ka socday baarlamanka Yurub oo booqasho ugu tegay seddexda qofood ee lagu xukumay xabsiga dheer”Inuusan haysn fursad kale aan ka ahayn inuu wado doonta uu saaran yaha “.ISHA WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.