SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAARLAMAANKA YURUB OO U CODEYEY..

EVA KAILI.

(BRUSSELS)-Baarlamaanka reer Yurub ayaa maanta oo Talaada ah u codeeyey in waxba kama jiraan laga soo qaado arrinta Musuqa la xiriirto ee loo haysto gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Yurub Eva Kaili,arrintaan ayaa soo socotay in muddo ah waxaane gudoomiye Eva iyo seddex kale lagu tuhmaa ineey Laaluush ka qaateen dal ka mida wadamadda Khaliijka loona malaynaayo inuu yahay dalka Qadar. Baarlamaanka Yurub oo codeeyey horaantii maanta oo Talaada ah ayaa dhinac mariyey eedi loo haystay haweeneyda ku xigeenka ah kuna metesha baarlamaanka Yurub Xisbiga Hantiwadaaga ee dalka Giriiga,waxaane Eva ku wehliyo arrintaan codeynta ah shaqsi kale oo isna ku xigeenada ka mida loona haysto isla Musuqa,codadka ey heleen ku xigeenada ayaa gaaray 625-cod waxa eyna sidaas kaga badbaadeen edeymihii kaga yimid dacwad oogaha dalka Biljam.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.