SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAARLAMAANKA YURUB OO KA HADLAY ARRIMAHA SAXAFIYIINTA SOOMAALIYEED.

(Kenya):Dalka Soomaaliya marka laga hadlaayo saxaafadda ka hawlgasho waxa eey ku sugan yihiin halsiyo aan kala sahlanayn,halista ugu daran ee soo wajahdo saxafiyiinta soomaaliyeed waa dilka uga yimaado dhinaca Alshabaabka waxaane taas dhinac socdo dhibaatooyin kale oo saxafiyiinta kaga yimaado dhinaca dawladda federaalka soomaaliyeed waxaane dhibaatooyinkaas ka mida xirig,jirdil iyo handadaad aan kala go’olahayn kagana imaanayso hayaddaha amaanka dalka Soomaaliya,maalmo ka hor waxa magaaladda Muqdisho qarax ismiidaamin ah lagu khaarijyey wariye C/casiis afrika oo ahaay agaasimhii Radiyo Muqdisho waxaa isna ku dhaawacmay agaasimihii Tv-ga qaranka(SNTV) Sharma’arke oo hadda lagu daaweynaayo dalka Turkiga.Abwaan Guure horayne u soo noqday maareeyaha Tiyaatarka qaranka isla markaasne ah milkiilaha idaacadda maxaliga ah ee KULMIYE ayaa sheegay maanta in wariye C/casiis Afrika dilkiisa eey wax ka ogeed dawladda Federaalka soomaaliyeed,hadaba arrimhaas haysta saxafiyiinta soomaaliyeed ayaa waxaa maanta ka hadlay baarlamaanka Yurub waxa uuna baarlamaanka Yurub qeyldhaan ka keenay sharciga warbaahinta soomaaliya kaaso baarlamaanka Yurub ku sifeeyey mid xadidan wax badane taraayo kuwa dhibaateeyo saxafiyiinta soomaaliyeed waxa uuna baarlamaanka Yurub ku baaqay in la joojiyo xiridda saxafiyinta soomaaliya ee aan la keenayn maxakamadda.ISHA WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.