SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAARLAMAANKA TURKIGA OO ANSIXIYEY…

(SAWIRKA)-DUGSIGA CIIDAMADDA EE TURKIGA MUQDISHO TURKSOM.

(ANKARA)-Baarlamaanka Turkiga ayaa Ansixiyey Mooshinkii uu Madaxweyne Erdogan uu u soo gudbiyey kaaso ahaa in Ciidamo Turki ah la geeyo Xeebaha dalka Soomaaliya muddo dhan laba sano ah si ey Soomaaliya uga taageeraan Amniga iyo ka hortaga weerarada Argagixisadda iyo khataraha kale sida uu dhigaayo Heshiiskii Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ey kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Mooshinka oo uu saxiixay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya in ka badan 10-sano ka bixinaayey tababaro,taageero iyo la talin si loo sugo Amniga iyo Xasiloonidda iyo in gacan laga geysto dib u habaynta Ciidamadda Difaac iyo Amniga dalkaas si loola dagaalamo Argagixisadda. Mooshinka wuxuu iftiimiyey in tan iyo 2009-kii ciidamadda dalka Turkiga ey si fifircoon u taageerayeen dadaaladda caalamiga ah ee lagula dagaalamaayo Bucad-Badeeda,dhaca hubaysan iyo Argagixisadda Badda ee Gacanka Cadmeed,Xeebaha Soomaaliya,Badda Carabta iyo Goboladda ku dhaw.

ISHA/MOM.

SII AKHRI.