SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAARLAMAANKA OO U FURMI WAAYEY KOORAM...

BJFS.

(MUQDISHO)-Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta u furmi waayey Kooramkii loo baahnaay oo aan soo buuxsamin,ma aha markii ugu horeysay ey dhacdo sidaan oo kale oo eysan Xildhibaanada intooda badan soo xaadirin kalfadhiga mana jirto cid ka qaaday wax talaaba ah xildhibaanada caadaystay ineey ka baaqdaan kulanada baarlamaanka ayagoo joogo magaaladda Muqdisho. Dhinaca kale,maanta waxaa magaaladda Muqdisho lagu dilay darawal ka mida darawalada ku shaqeysto Bajaajka,dilka ayaa ka dhacay agagaarka Ex-Shaneemo Afrika ee degmada Xamar Jabjab ee gobolka Banaadir. Magaalada Boosaaso ahne caasimada gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacay Qarax uu ku dhintay hal qof waxaane ku dhaawacmay dad kale,booliska ayaa sheegay in goobta uu ka dhacay Qaraxa oo ahayd Maqaayad laga dhex helay Qarax kale oo halkaasi diyaar ku ahaay. Weli waxaa si xawli ah u socdo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta kana socdo maamulada Galmudug iyo Hirshabeele, weerar ey si wadajir ah u qaadeen ciidamada degaanka iyo kuwa Xooga dalka Soomaliyeed ayaa ka dhacay degaanka Qeycad waxaane weerarkaan lagu dilay 32-dagaalyahayn kana tirsan kooxda Khawaarijta. Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay dagaal aan waxba la isula harin dagaalka ayaa bilawday ka dib markii kooxda Khawaarijta ey isku dayeen ineey ka soo gudbaan Galbeedka wabiga Shabeela,ujeedka kooxda ah ayaa ahaay ineey u gudbaan hawdka u dhexeeyo labada maamul(G/Mudug iyo H/Shabeele). Gudoomiyaha degmada Maxaas oo ey waraysatay idaacada VOA-da ayaa sheegay in dagaalka maanta uu ka dhacay degaanada Inji iyo Afcad waxaane dhulkii ey soo galeen laga saaray kooxda Khawaarijta ee ka soo gudubtay Wabiga.

ISHA WARKA SBM.