SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAARLAMAANKA JFS OO QAADAY TALAABO.

(SAWIRKA)WARQADA ADEN MADOOBE.

(MUQDISHO)-Sida aan la wada socono fadhigii wadajirka ahaa ee ugu dambeeyey ee uu yeeshay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loogana hadlaayey Gudiga Doorahooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee qabsoomay taariikhdu markeey ahayd 27/11/2024-ka ayaa waxaa ka dhacay fawdo ey sameeyeen Xildhibaano abaabulan kuwaaso ujeedkoodu ahaa inuusan qabsoomin fadhiga labada aqal si aan looga hadlin Gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,Xildhibaanadaas qaarkood ayaa soo xaadir fadhiga hadane waxa ey iska diideen iney saxiixaan liiska Xildhibaanada soo xaadiray si loogu tiriyo Kooramka dadka yimid. Isla maalintaas ayaa waxaa dhacay fal dembiyeed uu geystay mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS lana yiraahdo Xasan Cabdi Ismaacii(Xasan Firimbi),Xildhibaanka ayaa Feeray askeri ka tirsan ilaaladda Golaha Shacabka ee BJFS,waxaane askeriga soo gaaray dhaawac culus sida la sheegay,hadaba waa maxay talaabadda uu qaaday Gudoonka Baarlamaanka JFS?. Warqad uu soo saaray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Adan Madoobe ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyey Fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Firimbi,sidoo kalane,waxaa Ganaaxyo isugu jira Jaris Gunno iyo ka Joojin Fadhiyada Golaha Shacabka lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyey is hortaagid Guntanka ama Kooramka Golaha Shacabka iyo ka hor imaad Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Adan Madoobe ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ku bogaadiyey hawlaha ey Qaranka u hayaan isagoo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhawrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka shaqada Golaha Shacabka ee BJFS.

ISHA-BJFS.