BAARLAMAANKA JARMALKA OO LA KALA DIRAY.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA JARMALKA.
(BERLIN-GER)-Wararka lga helaayo caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin ayaa sheegaayo in Madaxweynaha dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier uu maanta oo Jimca ah uu kala diray Baarlamaanka dalkiisa waxa uuna xaqiijiyey in dalka Jarmalka ey ka dhici doonto Doorasho guud oo waqtigeeda laga soo hormariyey taariikhdu markeey tahay 23/2/2025-ka,ka dib markii ey burburtay Dawladdii uu hogaaminaayey Olaf Scholz bishii hore. Xukuumadii Scholz ee isku dhafka ahayd ayaa waxaa hoos u dhigay dagaalo gudaha ah oo ku saabsan sidii dib loogu soo nooleyn lahaa dhaqaalaha ugu weyn ee Yurub,balse weerar baabuur loo adeegsaday oo sababay dhimasho fara badan kana dhacay Suuqa Kirismaska todoaadkii hore ayaa dib u soo cusbooneysiiyey doodaha kulul ee dalkaas ee ku saasban Amaanka iyo Socdaalka. Isagoo xaqiijiyey taariikhda 23/2/25-ka iney dheceyso doorashada dalka Jarmalka ayuu MW-Steinmeier waxa uuu carabka ku adkeeyey baahidda loo qabo “Xasilooni Siyaasadeed”wuxuuna codsaday in ololaha Doorashada la sameeyo “Si xushmad leh”.
ISHA-RFANCE 24.