SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAARLAMAANKA ITOOBIYA OO BALAN QAAD U SAMEEYEY…

(SAWIRKA)-GUDIGA BAARLAMAANKA ITOOBIYA OO BOOQDAY XARUNTA CIIDAMADDA BADDA ITOOBIYA.

(BAHIR-DAR)-Gudiga Baarlamaanka wuxuu balan qaaday inuu taageero u fidinaayo Ciidamadda Badda ee dalka Itoobiya intii suuragal ah. Xubnaha Gudiga Joogtada ah ee Xiriirka Dibadda iyo Arrimaha Nabadda ee Golaha Wakiiladda Shacabka (HoPR) ayaa balan qaaday iney taageerayaan Ciidamadda Badda Itoobiya ee Cusub sida laga soo xigtay Golaha Wakiiladda Shacabka(HoPR).Horaantii maanta oo Arbaca ah ayey Gudiga Joogtada ah ee Xiriirka Dibadda iyo Arrimaha Nabadda ey booqdeen Xarunta Ciidamadda Badda Itoobiya ee ku taalo magaaladda BAHIR-DAR ee ah Xarunta Gobolka Amxaaradda. Booqashada iyo wadahadaladii xigay ka dib,Gudoomiye ku Xigeenka Gudiga Xildhibaan Fetih Mehadi ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in booqashada hadalahaynta dhalisay ee Xubnaha Gudiga Joogtada ah u arkeen in Ciidamadda Badda Itoobiya ee dib u qaabeynta lagu sameeyey lana xoojiyey tan iyo markii dib loo dhisay Baarlamaanka. Wareegto waxaana lagu hogaaminayaa “hab xirfadeed iyo cilmiyeed”,Xildhibaan Fetih Mehadi waxaa kaloo uu sheegay in awoodaani ey muhimad weyn u leedahay in la horumariyo “Heshiiskii Is-afgaradka(MoU) ey dhawaan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliland. Taliye ku xigeenka Ciidamadda Badda Itoobiya Admiral Naasir Abadiga ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamadda badda Itoobiya ey qabteen hawlo badan oo ey ka mid yihiin tababarida shaqaalaha,khibrad isdhaafsiga iyo dib u habaynta hayadaha. Waxaa sidoo kale laga soo xigtay isaga oo leh in Is-afgaradka uu u gogol xaaraayo siyaabaha lagu soo gelin karo ciidamadda badda waane waxqabad la taaba karo. Waxaa la xusuustaa in Is-afgaradkii Itoobiya iyo Soomaaliland ee la kala saxiixday kowdii bishaan Janaayo-2024-ka uu ku jiray qodob awood u siinaayo Itoobiya iney xaqiijiso gelitaanka badda iyo kala duwanaanta Marineed ee Dekedaha. Dawladda Itoobiya waxay sheegaysaa in qeyb ka mida heshiiskaas ey ku jiraan qodobo ey dawaladda Itoobiya ku samayn doonto qiimeyn aad u qoto dheer oo ku aadan mawqifkeeda ey ka qaadanayso dedaaladda ey Soomaaliland ugu jirto aqoonsi raadinta.

ISHA/AS.