BAARLAMAANKA 11-AAD EE JFS OO MAANTA ANSIXIYEY…
(SAWIRKA)-SHIR GUDOONKA FADHIGII MAANTA.
(MUQDISHO)-Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ah waxa ey maanta oo Sabti ah ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa ee magaaladda Muqdisho,kulanka wadajirka ah ayaa ah midkii sideedaad inta lagu guda jiray Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Kulanka wadajirka ah ee maanta qabsoomay ayaa waxaa shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) oo ey wehliyaan Gudoomiye ku Xigeenadda Labada Aqal ee BJFS. Ugu horeyntii Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey Hindisaha Xeerka Dhisidda Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,waxaane ogolaatay ilaa 173-Xildhibaan oo ah intii soo xaadirtay fadhiga maanta,mana jirin cid diiday amaba ka aamustay cod bixintaas dhacday. Dhinaca kale,Xildhibaanadda Labada Aqal ee BJFS ayaa akhrinta labaad marsiiyey Xeerka Ururadda iyo Xisbiyadda Siyaasadda dalka,waxaane Xidhibaanadda oo ka dooday qodobadda xeerka ey su’aalo weydiiyeen gudiga u xilsaaran iyo masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DFS. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Adan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey ka doodista Xeerka Ururadda iyo Xisbiyadda Siyaasadda ee daka dibne loogu celiyey gudiga si uu u soo diyaariyo warbixinta akhrinta seddexaad dibne Golaha ugu soo celiyo si loogu codeeyo.
ISHA-SNTV,