AXMED MADOOBE,LAFTGAREEN IYO DENI AYAA…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE DENI.
(NAIROBI)-Madaxda maamul Goboleedyada kala ah Jubaland,Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Puntland ayaa la sheegaa iney si gooni gooni ah ugu kulmeen magaaladda Caasimadda ah ee Nayroobi dalka Kenya. Madaxweynaha KGS C/casiis Laftagareen ayaa ah shaqsiga hawshaan soo agaasimay hawshaan waxa uuna rabaa inuu asaxaabtiisa ka dhaadhiciyo in la isku raaco waqti xileedka Madaxda Maamul Goboleedyada la isugu geeyo Novembar-2024-ka waqtigaaso uu soo dhammaanayo muddo xileedka Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe,dhinaca kale,MW-Axmed Madoobe ayaa ka biya diiday inuu marnaba la kulmo Deni oo uu u arko inuu yahay cadaw si aad ah uga soo horjeedo RW-Xamsa ooey isku reer yihiin.
ISHA/CAASIMADA.