AXMED KARAASH OO TAAGEERAY GO’AANKII ISIMADDA…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND AXMED CILMI CISMAN KARAASH.
(GARAWE)-Dawlad Goboleedka Puntland ayaa weli waxaa ka taagan ismari siyaasadeed kuna saabsan doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,arrintaan ayaa waxaa isku haayo Mucaaradka Puntland iyo Xukuumadda uu hogaamiyo MW-Siciid Deni,waxa la isku haayo ayaa ah tirada Xildhibaanada uu ka koobanaan doono Aqalka Wakiiladda Puntland(2024/2029)-ka,kooxda uu hogaamiyo MW-Deni ayaa ku dhegan in Baarlamaanka Puntland uu yeelanaayo 66-dii Xildhibaan ee uu horay u lahaay Baarlamaanka Puntland halka Mucaaradka Puntland uu ku doodaayo in Baaramaanka Puntland ee cusub uu noqon doono 49-Xildhibaan waayo waxaa meesha ka baxay Xildhibaanadii ka soo jeeday SSC-Khatumo oo ka koobnaay 17-Xildhibaan. Isimadda Puntland oo fadhi ka yeeshay Ismari waagaan taagan ayaa go’aamiyey in Xildhibaanada cusub tiradooda tahay 49-Xildhibaan waxaane arrintaan si cad uga horyimid MW-Deni iyo kooxdiisa uu ugu horeeyo Wasiirkiisa Warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir,isla Xukuumadda uu hogaamiyo MW-Deni ayaa waxaa iska casilay Wasiirkii Qorsheynta Md.Maxamed Siciid Faroole,hadaba maxaa maanta soo kordhay oo ka cusub siyaasadda Puntland? Mdadaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntlanda Md.Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) ayaa maanta si buuxda waxa uu u cadeeyey Mawqifkiisa ku aadan Go’aanka SSC-Khatumo iyo Doorashooyinka Puntland ee sannadka 2024-ka. Md.Axmed Karaash ayaa si buuxda waxa uu u taageeray go’aankii Isimadda ee SSC-Khatumo kaaso dhigaayey ineysan SSC-Khatumo ka tirsaneyn maamulka Puntland tahayne maamul ka madax banaan.
ISHA/PP.