SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AUSTRALIA OO KA LAABATAY…

WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA AUSTRALIA PENNY WONG.

(CANBERRA)-Dalka Australia ayaa ka laabtay aqoonsigiisii hore ee uu u aqoonsaday in Galbeed Qudus tahay caasimadda Israel sidaas waxaa sheegtay maanta oo Talaada ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda Australia PENNY WONG hadalkaaso si dhaqsi ah u argagax uga dhex dhaliyey Israel.Xisbiga shaqaalaha bidix ee dalka Australia ee hadda haaya talada dalka Australia ayey xukuumadiisa isku raacday mar kale in Tel Aviv tahay caasimadda Israel,sidoo kale Golaha Wasiiradda Australia ayaa iyagana isku raacay in arrinta Qudus tahay mid u taalo Falastiin iyo Israel mushkiladoodana ku xaliyaan wada hadal sidaas waxaa tiri Wasiiradda Arrimaha Dibadda Australia Penny Wong.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.