AUSSOM OO HAWLGAL KA FULISAY SH/HOOSE.
(SAWIRKA)-HUBKII LAGU QABTAY MUURI.
(SH/HOOSE)-Wararka ka imaanayo Gobolka Shebeeladda Hoose ee DG Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay hawlgal ey sameeyeen ciidamadda AUSSOM kana kala tirsan Ciidanka Xooga Dalka Sooaaliyeed,Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA iyo Ciidamada Difaac Shacabka ee Ugaandha ee qeybta ka ah hawlgalka AUSSOM. Hawgalka ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka MUURI ee degmadda Wanle Weyn ee Gobolka Sh/hoose, waxaane la soo sheegay in halkaasi ey ku dhuumaaleysanayeen kooxo ka tirsan dagaalamayaasha kooxda AL-shabaab,degaanka MUURI ayaa ahaa goob jidgal loogu sameeyo ciidamadda maraayo wadada isku xirta Muqdisho iyo Wanle Weyn hawlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay rag lagu tuhmaayo iney ka tirsan yihiin kooxda AL-shabaab iyo hub iyo rasaas fara badan, ugu dambeyntii war ey soo saaree AUSSOM ayaa lagu sheegay in la sii wedi doono dadaaladda Wadajirka ah lana xoojin doono waajibaadka wadajirka ah ee AUSSOM. Hawlgalka AUSSOM ayaa ah mid loogu talagalay in Amniga JFS gacanta loo geliyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed ee har iyo habeen hor fadhiya cadawga duleystay Ummadda Soomaaliyeed ee kala ah AL-Shabaab iyo Daacish.
ISHA-SB-MEDIA.