SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AUN-PROF. JAWAARI OO LAGU AASAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO U TACSIYEEYEY QOYSKA MARXUUM PROF.JAWAARI.

(MUQDISHO)-Alle ha u naxariistee waxaa shalay oo Jimca ahayd Tarriikhduna ku beegneed 28/6/24-ka caasimadda Muqdisho ku geriyooday Gudoomiyihii hore oo ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. AUN-Md.Jawaari ayey da’adiisu ahayd 79-jir waxa uuna dalka Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan waqtigii ey dalka ka jirtay Xukuumaddii Kacaanka ee uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre,waxa uu Jawaari shaqada ka soo bilaabay Macallinimo ka dibne waxa uu u soo gudbay xilal sar sare sida Wasiir. AUN_Jawaari ayaa soo noqday waqtigii Siyaad Barre Wasiirka Gaadiidka,Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada,waxa uuna laba jeer soo noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sannadadii 2012,waxane mar kale dib loo doortay sannadkii 2017-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo ey wehliyaan masuuliyiin kale oo ey ugu horeeyaan Gudaamiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad Md.Sheekh Aden Madoobe iyo Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan laba Gole BJFS iyo Golaha Wasiiradda. MW-Xasan Sheekh ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee uu Marxuum Jawaari ka soo qaatay dawlad Dhiska Soomaaliya,Horumarinta dalka iyo dhismaha Hayadaha Dawladda Soomaaliya isagoo masuuliyaddo kala duwan uu ugu adeegaayo dalkiisa isla markaasne ka mid ahaa haldoorka Ummadda Soomaaliyeedee naf iyo maalba u huray dib u dhiska dawladnimadeena. MW-Xasan Shekh ayaa si gaar ah waxa uu ugu tacsiyadeeyey qoyska Marxuum Jawaari kuwaaso uu kula kulmay Janaasadda,waxa uuna MW-Xasan Marxuum Jawaari alle uga baryey inuu geeyo Janatul Frdawsa.

ISHA/SNTV.