SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AU-da OO DIB U HESHIISAN U SAMAYNAYSO…

ASTAANTA URURKA MIDAWGA AFRIKA.

(KIGALI)-Ururka Midawga Afrika ayaa diyaarinaayo fadhi dib u heshiisan Qaran loogu sameynaayo kooxaha isku haayo talada dalka Libiya,sidaas waxaa shalay oo Axad ahayd sheegay Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika(AU)-da Musa Fiqi,waane isku daygii ugu dambeeyey oo nabad waarta loogu raadinaayo arrimaha dalka Libiya. Gudoomiye Musa Faqi oo ka hadlaayey xafladii xiritaanka ee shirkii 36-aad ee Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika uga socday xarunta AU-da ee magaaladda Addis Ababa labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa sheegay in AU-du diyaarinayso kulan dib u heshiisiin ah dhawaane lagu qaban doono Caasimadda Tripoli ee dalka Libiya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.