SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ATMIS OO FAARUQISAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo ka socdo Midawga Afrika ciidamadaan ayaa soo galay Soomaaliya horaantii sannadkii 2007-dii ka dib markii ey dalka la wareegeen kooxo Islaamiyiin ah kana soo horjeesteen in dalka Soomaaliya uu yeesho dawlad ka madax banaan Ururada Islaamiga ah. Ciidamadda ka socdo Midawga Afrika(ATMIS) ayaa tiradooda lagu sheegaa iney gaarayaan ilaa 20,000-askeri waxa eyna dalka joogeen muddo aad u fog ayagoo ku kala sugan degaano kala gedisan,hadaba waxaa la soo gaaray waqtigii ey ciidamadaan isaga bixi lahaayeen dalka Soomaaliya ka dib markii ey ku guul daraysteen ineey dalka ka xureeyaan kooxda Alshabaab kuna qaadatay ina ka badan toban sano. Laba kun oo ka mida ciidamada Atmis ayaa faaruqiyey saldhigyadii ey joogeen muddo sannada ah waxa eyna ku wareejiyeen Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya,hadaba wax ka ogow saldhiyada la wareejiyey kuwa ey yihiin iyo saldhigyada laga maarmay lan burburiyey.

ISHA/BBC.

HALKAN KA SI AKHRISO.