SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ASKERI LAGU DILAY TOOGASHO XALAY KA DHACDAY MINNEAPOLIS.

SAWIRKA SARKAALKII XALAY LAGU DILAY MINNEAPOLIS-MN.

(MINNEAPOLIS)-Laba qof oo uu ku jiro sarkaal Boolis ah ayaa lagu dilay toogasho fiidnimadii Khamiista ka dhacday magaaladda Minneapolisee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka,sida ey sheegeen masuuliyiinta magaaladda. Tuhmanaha ayaa isna dhintay. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay askeri labaad balse Isbitaalka ayaa laga soo saaray,waxaane sidoo kale soo gaaray dabdemiska dhaawac aan halis ahayn. Booliska waxay sheegeen in laba qof oo rayid ah ey sidoo kale ku dhaawacmeen,mid aad u xun iyo mid dhaawca shalan ah. Lama shaacin cidda ey ka tirsan yihiin iyo cidda laga shakisan yahay. Shir Jaraa’id uu qabtay fiidnimadii xalay Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayuu ku aqoonsaday Jamal Mitchell oo 36-jir ahaa sarkaalka lagu dilay toogashadda. “Waxaan ixtiraami doonaa Allabarigiisa,waxaan xusuusan doonaa magaciisa,weligey ma iloobi doono wixii uu u qabtay dadka magaaladeena.Noloshii uu ilaalinaayey,Nafta uu badbaadiyey”Frey ayaa sidaas yiri.

ISHA/CBS-NEWS.

SII AKHRI.