ASKAR DISHAY WIIL DHALLINYARA AH OO DILA LAGU XUKUMAY.
(SAWIRKA)-ASKARTII MAANTA LA XUKUMAY.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamadda Ciidamadda Qalab Sida ey maanta oo Talaada ah Xukuno kala duwan ey ku riday askar horay u dilay wiil arday ah oo dhallinyar ah horaantii sannadkan 2024-ka,askarta gaysatay dilka ee maanta la xukumay ayaa kala ahaay Dable Xooga Dalka Axmed Maxamed Raage (Qataataw),Dable NISA Cabdi Axmed Cadaw Axmed iyo Dable NISA Farxaan Aden Nur Cilmi,dhammaantood ayaa lagu soo wada eedeeyey iney geysteen dilka Marxuum C/laahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday sideed iyo toban jir ah oo dhiganaayey sannadkiisii ugu horeeyey ee dugsiga sare. Eedeymaha ragaan loo haysta ayaa waxaa kaloo ka mid ah Afduub iyo iney burburiyeen gaari uu iska lahaay mawaadin Soomaaliyeed. Eedeysnayasha ayaa isticmaalayey Waxyaabaha Maanka dooriyo waxa eyna dileen Marxuum C/laahi oo maraayey inta u dhexeyso degmooyinka Dayniile iyo Garasbaaleey xilli uu la socday saaxibadiis oo ey wada sarnaayeen gaaro nuuciisu yahay Propox,Marxuumka ayaan u geeriyooday rasaas ey gaariga ku soo fureen Eedeysanayaasha taariikhdu markey ahayd 10/4/2024-ka. Eedeysanayaasha ka hor inta eysan ku kicin falkaan waxa ey si qasab ah ku afduubteen dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaay gaaro Nooha ah laguna hor gooyey gaariga uu saarnaay marxumka. Eedeysanayaasha ayaa ka baxsaday goobta uu falku ka dhacay waxaane gacanta ku soo dhigay hayadaha amniga caasimadda Muqdisho,baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda Qalabka Sida ayaa codsatay qaadista kiiskaan,waxaane laga ogolaaday lixdii bishaan Luuliyo. Garsoorka Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda ey khuseyso dacwadda ayaa ugu dambeyntii maanta oo Talaada ah 16/7/24-ka xukuntay EX-Dable Xooga Axmed Qataataw iyo EX-dable NISA Cabdi Axmed Toogasho oo ah Qisaastii Marxuum C/laahi Isxaaq,halka EX-Dable NISA Farxaan lagu xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah,sida uu warbaahinta u sheegay G/sare. Xasan Cali Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamadda Qalabka Sida.
ISHA/SNA RADIO.