SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AQALKA SARE EE BJFS OO MAANTA ANSIXIYEY…..

(SAWIRKA)-AQALKA SARE.

(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Md.Cabdi Xaashi C/laahi oo ey wehliyaan Gudoomiye ku Xigeenadda koowaad Md Cali Shacbaan iyo Gudoomiye ku Xigeenla Labaad Md.C/laahi Xirsi Timadacadde ayaa maanta shir Gudoomiyey Kulanka 20-aad ee Aqalka Sare ee Kalfadhiga shanaad,kulanka ayaa waxaa maanta yimid ilaa sodon Senitar Konton afartii Senitar ee Aqalka Sare. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa mid ka kooban seddex qeybood kalana ah: (1)-Akhrinta 3-aad ee Hindisa Sharciyeedka Hayadda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaalia. (2)-Akhrinta 3-aad ee Hindisa Sharciyeedka Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliya. (3)-Akhrinta 2-aad ee Hindisa Sharciyedka Xeerka Shaqada. Ugu hooreyntii Gudoomiyaha Gudiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare ee BJFS Sanitarad Saynab Ismaaciil Maxamed ayaa dul martay Akhrinta Seddexaad ee Hayadda Sharciyeynta Baaritaanka Beeraha iyo Sharciga Xakamaynta kiimikooyinka Beeraha Soomaaliya, iyadoo intaas ka dib xubnaha Senitarada ey cod gacan taag ah ku meel mariyeen labadaas sharci oo muhiim u ah dalka,waxaane ogolaatay 29-Senitar. Golaha ayaa markaas waxa uu gudagalay Akhrinta 2-aad ee Sharciga Shaqada ee Soomaaliya,Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Bulshada ee Aqalka Sare Senitar Dr.Cismaan Dufle ayaa dhankiisa dulmar iyo sharaxaad ka siiyey Golaha Sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed,intaas ka dib Senitarada ayaa ka dooday sharciga waxa eyna soo bandhigeen aragtidooda iyo meelaha ey ka qabaan dooda iyo qodobada sharciga in wax laga bedelo laguna sameeyo toosin iyo sixitaan. Gunaanadka dooda oo aad u dheeraatay ayey Senitaradu codsadeen maadaam sharcigu yahay mid ka kooban qodobo fara badan oo hal maalin laga wada doodi karin in dooda akhrinta 2-aad ey sii socoto kulamada soo socdo,Gudoomiye Cabdi Xaashi waa uu aqbalay soo jeedintaas,sidaas ayaan kulankii Gudoomiyuhu ku soo xiray iyadoo kulanka xiga ey sii socon doono dooda iyo akhrinta 2-aad ee Xeerka Shqada Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.