ANTONY BLINKEN OO U SAFRI DOONO BARIGA DHEXE.
(SAWIRKA)-ANTONY BLINKEN.
(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa maalinta Axadda dib ugu laaban doono Gobolka Bariga Dhexe isaga oo rajaynaaya inuu Isra’iil iyo Xamaas ku qanciyo iney aqbalaan heshiiska xabad joojinta oo loogu talagalay in lagu joojiyo dagaalka ka socdo Marinka Gaza,iyo in la sii daayo la haystayaasha iyo in gargaarka bani’adanimo oo dheeraad ah la geeyo Mainka Gaza. War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Jimcadda maanta ah ayaa lagu sheegay in diblomaasiga ugu sareeyo Maraykanka uu xooga saari doono muhimadda ey Xamaas aqbali doonto Hindisaha xabad joojinta ee miiska saaran mid lagu sheegay khudbad uu jeediyey Madaxweyne Biden todobaadkii hore taaso ku dhaw iney la mid tahay mid Xamaas ey taageertay,bishii hore. Safarka Blinken ee seddexda maalmood ah waxaa ku jiri doono joogitaanka Masar,Isra’iil Jordan iyo Qadar. Booqashadii ugu dameeysay ee Blinken ee Gobolka ayaa ku soo beegantay iyadoo duulaanka Isra’iil ee Marinka Gaza uu si xawli ah ku socdo. Taangiyadda iyo daiyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa xalay duqeeyey bartamaha iyo Koonfurta Marinka Gaza,Reuters oo soo xiganaysay saraakiisha caafimaadka maxaliga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 28-Falastiiniyiin ah la dilay.
ISHA/VOA.