AMIIRA HAYAANA OO LOO XUKUMAY…
(INGIRIISKA):Maxkamad ku taalo dalka boqortooyadda Ingiriiska ayaa amartay inuu bixiyo ninka xukumo Imaaradda Dubai lacag dhan 550-milyan oo Geniga Ingiriiska ah una dhigato todob boqol iyo sodon($730)-milyan oo doolarka maraykanka ah lacagtaas ayaa loo xukumay ineey qaadato xaaskiisii hore iyo caruurteeda wane xukunkii ugu qaalisanaay lagu xukumo qoys kala tegay taariikhda dalka Ingiriiska.Garsooraha maxkamada sare ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Bin Raashid Almaktuum waajib ku tahay inuu bixiyo laba boqol iyo shan iyo toban(215.5)-milyan oo geniga ingiriiska ah una dhiganta laba boqol sideetan iyo todobo(287.7)-milyan oo doolarka maraykanka ah xaaskiisii hore boqoradda Hayana Bint Al xuseen iyo inuu sameeyo lacag bixin kale ee caruurtiisa kala ah Jalil-14-jir ah iyo Zayd 9-jir ah lacag dhan laba boqol iyo sagashan geni(290)-milyan una dhiganta seddex boqol sideetan iyo todobo($387.09)-milyan oo doolarka maraykanka ah.ISHA AP.