AMB.MUKHTAAR OO AFLAGAADEYEY SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)SAFIIRKII ITOOBIYA U FADHIYEY SOOMAALIYA.
(ADDIS ABABA)-Tan iyo markii Itoobiya iyo Soomaliland ey kala saxiixdeen heshiiskii xaaraanta ahaay horaantii bishaan Janaayo-2024-ka waxaa soo kordhaayey kala fogaanshaha labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxaane dhacday in Xukuumadda Soomaaliya ey u yeeratay Danjirihii u fadhiyey magaaladda Addis Ababa halka aan dalka Soomaaliya laga ceyrinin Danjirihii Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare oo asal ahaan ka soo jeedo Qoowmiyadda Soomaalida Itoobiya. Danjire Mukhtaar ayaa si iskiis ah waxa uu ugu laabtay dalkiisii waxa uuna waraysi siiyey Tv-ga Qaranka ee Itoobiya,Mukhtaar Waare ayaa si aan gambasho lahayn waxa uu u taageeray Heshiiskii baadilka ahaay ey kala sxiixdeen itoobiya iyo Soomaaliland waxa uuna ka been sheegay Amniga ka jira halkii uu deganaay ee ahayd Madaxtooyada Soomaaliya waxa uuna ku tilmaamay meel halis ah laguguna dilo karo waqti kasta.
ISHA/CAASIMADDA.