ALSHABAAB OO WEERATAY HOTEL KU YAALO…
(SAWIRKA)-PEARL BEACH.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in dagaalyahano ka tirsan kooxda Alshabaab ey weerar ku qaadeen Hotel Pearl Beach oo ku yaalo degmada C/casiis ee G/Banaadir gaar ahaan Hotel-ka ayaa waxa uu aad ugu dhaw yahay Xeebta Liido. Maqaayadda Hotel-ka oo ku taalo qeybta hoose ee dhisamaha ayaa waxa weerar Qaraxyo ku bilawday ku soo qaaday kooxda Alshabaab,waxaane albaabka dhismaha laga soo galo isku qarxiyey laba naftood haligeyaal ah ka dibne waxaa Hotel-ka gudaha u galay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo tiradooda lagu sheegay ilaa afar kuwaso ku hubaysnaay qoriga AK-47, waxa eyna gacmaha ku wateen dhawr Bambo,waxane hadda goobta soo gaaray ciidamadda booliska gaarka ah ee Haramcad waxa eyna Hotel-ka ka bilaabeen hawgal soo badbaadin waxa eyna soo badbadiyeen dad fara badan oo ku go’doonsanay dhismaha waxa eyna dagaal foolka fool ah la galeen kooxda soo weerartay Hotel-ka. Weli waxa aan arrintaan ka hadlin hayadaha amnaanka Qaranka,waxa aane idinla wadaagi doonaa wixii ku soo kordha arrintaan.
ISHA WARKA SB-MEDIA.