ALSHABAAB OO LAGU WEERARAY DHAGAXDHEER.
(SAWIRKA)-GAARI DAGAAL.
(MUDUG)-Tan iyo horaantii bishaan Sebtembar waxaa si xawli ah uga socday maamulka Galmudug dagaal adag oo kooxda Alshabaab looga xureynaayo dhul ey maamulaysay in muddo ah,la dagaalanka kooxda Alshabaab si fiican hadda waxa uu uga socdaa Koonfurta Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalkan ey ka qeyb yihiin CXDS iyo xoogaga degaanka ayaa hadda ka socdaa degaanada Dhagaxdheer iyo Daaday oo ka wada tirsan degmada Caad,wararka ayaa sheegaayo in CXDS iyo Xoogagag degaanka oo iskashanayo ey weerareen fariisin ey kooxda Alshabaab ku lahayd degaanadaasi,weli lama soo sheegin khasaaraha intuu la eg yahay balse DFS ayaa ka sheegtay iney guul ka gaartay dagaalkii dhacay maanta oo Axad ah.
ISHA/CAASIMAD.