SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ALSHABAAB OO LAGU JEBIYEY DAGAALKII NUUR-DUGLE.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DFS.

(NUUR-DUGLE)-Wararka ka imaanayo degaanka Nuur-dugle ee Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaayo in saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyey Ciidamadda Xooga dalka soomaaliyeed iyo xoogaga degaanka oo isku dhinaca ah iyo maleeshiyaadka Alshabaab,dagaalka oo socday muddo ku dhaw saacad ayaa waxaa loogu awood sheegtay kooxdii soo qaaday weerarka ee Alshabaab. Sida hadda muuqato kooxda Alshabaab ayaa waxaa soo food saaray culaysyo fara badan eyna ugu daran yihiin shidaalka iyo cuntada kuwaaso kooxdu ey la’adahay jidkii ey u soo mari lahaayeen,waxaane arrintaasi ka dhashay in kooxda Alshabaab qaadaan weeraro isku xiga si ey u helaan degaan istaraatiiji ah eyna u soo mari karaan shidaalka iyo cuntada ey baahan yihiin maleeshiyaadka Alshabaab kuna kala sugan maamulada Galmudug iyo H/shabeele.

ISHA/AA.

HALKAN KA SII AKHRISO.